Aabaha dhalay Lionel Messi ee Jorge Messi ayaa ka dagay magaalada Barcelona, si uu ugu diyaar garoobo kulan uu la qaadanayo madaxweynaha Barca ee Josep Maria Bartomeu maanta oo Arbaco ah, si uu go’aan uga gaaro mustaqbalka wiilkiisa.
Jorge Messi ayaa diyaarad qaas ah ka raacay dalka Argentina, si uu u gaaro magaalada Barcelona, wuxuuna safarkiisa ku qaadatay ku dhawaad muddo 16 saacadood.
Aabaha dhalay Lionel Messi ayaa markii uu ka soo dagay garoonka El Prat ee magaalada Barcelona, wuxuu iska diiday inuu wax wareysi ah bixiyo, wuxuuna kaliya sheegay “Waxba kama ogi, asxaabeey”.
ida laga soo xigtay wargeysyada Spain ka soo baxa, Barcelona waxay dooneysaa inay aragti ka dhiibato Lionel Messi, taasoo ah arin aad u dhib badan waqtigaan, sidaas darteedna kooxda ayaa go’aansatay inaysan ciqaabin ilaa iyo haatan inkasta oo uu ka maqnaa baaritaanka caabuqa Korona iyo tababarka kooxda.
Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in kulanka Jorge Messi iyo madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu uu noqon doono mid aad muhiim u ah, sababtoo ah laacibka reer Argantina ayaa wuxuu ogyahay in koox kasta oo dooneysa inay qandaraas la gasho, inay doorbideyso inay ka hesho isaga meel ka baxsan khilaafka sharciga ah.
Si kastaba ha noqotee, Jorge Messi ayaa la kulmi doona wiilkiisa Lionel Messi iyo qareenkiisa, ka hor inta uusan la kulmin Josep Maria Bartomeu maanta oo Arbaco ah.