Dawladda Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in ay wajahayso abaarihii ugu darnaa ee dalkeeda soo mara mudo qarni ah, arrintaas oo sii kordhisay cabsidii laga qabay cunayaradii ka sii daraysay.
Wakaaladda wararka ee qaranka KCNA ayaa sheegtay in abaartu ay aad u saamaysay in badan oo ka mid ah goboladii bariiska soo saarijiray.
30 boqol kiiba beerihii bariiska ayaa ingagaya.
Boqolaal kun oo qof reer Kuuriyada Waqooyi ah ayaa la rumaysanyahay in ay ku geeriyoodeen intii lagu guda jiray macaluul baahsan oo dalkaasi ku dhufatay 1990-yadii.
Abaartan lama filayo in ay noqoto mid ay dad badan ku dhintaan isbadaladii lagu sameeyay hanaanka beeraha awgeed sida ay sheegayaan wariyeyaashu.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee magaceeda loo soo gaabiyo WFP, ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay si joogto ah u wajahdo cuno yari.
Hay’addu waxay intaasi ku dartay in saddex meeloodow meel ay nafaqo la’aan hayso caruurta Kuuriyada Waqooyi.
Wakaaladda wararka ee KCNA waxay sheegtay in deegaanada ay abaartu aadka u saamaysay ay ka mid yihiin Hwanghae, North Hwanghae, South Phyongan iyo South Hamgyong