Wararka ka imaanaya Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Carafaad ayaa sheegaya in 4 Caruur ah oo wada dhashay ay ku Geeriyoodeen halkaasi,waxaana Dhimashadooda la sheegay in ay Sababtay Sun Jirkooda la mariyay.
Qaarka mid ah Dadka ku nool Xaafadda Carafaad ee Degmada Yaaqshiid ayaa Radio Hiranweyn u Xaqiijiyay in mid kamid ah Waalidiinta Caruurtaasi uu Sunta la mariyo Xoollaha ee loo yaqaanno Dhibta uu mariyay Caruurta Jirkooda.
Ujeedka loo mariyay Jirka Caruurtaasi dhibta ayaa la sheegay in aheyd kadib markii Caruurta Kor kooda ay Nabaro ka soo baxeen,iyadoo Waalidkuna la sheegay in ay Go’aansadeen in Cun Cunka Nabrahaasi lagu daaweyn karo Dhibta,balse ay Alle uu Sabab uga dhigay in ay u dhintaan Suntaa la mariyay.