Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeAhlu Sunna oo cafis u fidisay saddex weriye oo ay xabsi ku...
Array

Ahlu Sunna oo cafis u fidisay saddex weriye oo ay xabsi ku xukuntay

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ururka Ahlu Sunna uu cafis u fidiyay saddex weriye oo maxkamad ku taal magaalada Dhuusomareeb ku xukuntay labo bil oo xarig ah.

Weriyaashan maxkamada xukuntay oo kala ah C/llaahi Warsame Rooble, Cabdi Jamaal Macallin Axmed iyo Bashiir Maxamed Salaad oo dhammaantood u shaqeeya idaacado ka dhisan magaalada Dhuusomareeb wakiilana u ah idaacado iyo taleefishino kale ayaa xalay u hoyday guryahooda kadib markii odayaasha dhaqanka magaalada Dhuusomareeb ay cadaadis xoog leh saareen ururka Ahlusunna.

Saddexdan weriye ayaa maxkamad ku taal magaalada Dhuusomareeb waxa ay ku eedeysay inay warar been ah ka faafiyeen maamulka Ahlusunna ee ka jira gobolada dhexe ee dalka, hase yeeshee saxafiyiinta ayaa beeniyay in ay wax war ah oo been abuur ah faafiyeen.

Hay’adaha u dooda xuquuqda saxaafada ayaa baaqyo u direy maamulka Ahlu Sunna kaasoo ah inay cadaadiska ka daayaan saxafiyiinta ka howlgala deegaanada uu ururka Ahlu Sunna ka taliyo.

Waxaa weli hawada ka maqan idaacada Codka Bartamaha oo ka mid ah idaacado ka dhisan magaalada Dhuusomareeb kadib markii maamulka Ahlu Sunna uu cadaadis xoogan saaray saxaafada ka howlgasha deegaano kamid ah gobolka Galguduud.

Sidoo kale maamulka Ahlu Sunna ayaa ku amray saxafiyiinta degen magaalada Guriceel inay is diiwaangeliyaan ayna wax war ah oo uusan maamulku ogeyn faafin karin.

Hase yeeshee saxafiyiinta degmada Guriceel ayaa diiday in howlahooda faraglein lagu sameeyo iyagoo u sheegay maamulka Ahlu Sunna inaysan wax war ah soo marsiin doonin ayna tahay saxaafada degmada mid ka madaxbanaan maamulka Ahlu Sunna.

Dalka Soomaliya ayaa waxa uu ka mid yahay wadamada caalamka ee cadaadis xoog leh la saaro saxaafada iyadoo maamulada ka jira dalka ay caburin ku hayaan weriyaasha.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY