fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAAhlusunna iyo warbaahinta Galguddud oo khilaaf hor leh soo kala dhex galay

Ahlusunna iyo warbaahinta Galguddud oo khilaaf hor leh soo kala dhex galay

Wararka ka imanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in mar kale deegaanada uu maamulo Ahlu Sunna uu warbaahinta ka howlgasha ku soo rogay amaro iyadoo warbaahintuna ay diiday in ay aqbasho amaradaas.

Idaacadaha ka howlgala degmada Guriceel iyo iyo magaalada Dhuusomareeb ayaa maamulka Ahlusnna ee uu madaxda ka yahay Sheekh Maxamedshakir Cali Xasan waxa uu ku soo rogay amaro ay ka mid yihiin,In aysan baahi karin Wararka Maamul Goboleedka Galmudug. In aan ladeyn karin goos goosyo wacyigalin oo ka baxa Radio Galgaduud si gaar ah kuwaa oo ku saabsan Dowladda Somaliya iyo Maamulka G/dhexe iyo In aan la xayeysiin karin goob caafimaad oo aan Maamulka warqad ka heysan.

Haddaba kulan ay isugu yimaadeen Maamulka idaacada Radio Galguddud eek a howlgala magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel ayaa ka soo horjeestay amarada maamulka inkastoo mid kamid ah qodobada la dul dhigay ay oggolaadeen.

Radio Galgudud oo ka jawaabay amarada ayaa soo saaray qodobo ay ka mid yihiin;-

1: Maamulka Radio Galgaduud ma aqbalayo kamana gorgortamayo joojinta Wararka Maamulka Galmudug madaama ay Idaacada saameneyso dhex dhexaadnimadeeda.

2: Maamulka Radio Galgaduud ma aqbalayo in faragalin lagu sameeyo Xayeysimaha Idaacadda ka baxa mana quseeyaan ka hadalkeeda Maamulka G/dhxe marnaba.

3: Maamulka Radio Galgaduud waxa uu diyaar uyahay in uu joojiyo Goos Goosyada xaalada Dalka kahadlaya ee Maamulka G/dhexe uu arko in ay dhibeyso dhankooda.

4: Maamulka Radio Galgaduud waxa uu sii wadayaa wadashaqeynta kala dhaxeysa Maamulka G/dhexe iyo baahinta Wararkooda.

5: Maamulka Radio Galgaduud waxa uu ka digayaa Shaqsiyaadka danaha gaarka ah leh ee iska horkeenaya Maamulka G/dhexe iyo Warbaahinta ka shaqeynta Degaanka.

6: Maamulka Radio Galgaduud waxa uu dhowrayaa oo tixgalinayaa mar walba Heshiiskii horey Warbaahinta iyo Maamulka G/dhexe ugu kala saxiixdeen Dhuusomareeb.

Ma aha markii ugu horeysay ee ay madaxa isgashtaan maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe iyo warbaahinta ka howlgasha magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Kenya oo ammar ku bixisay in aragti lagu toogto kooxo dhibaato...

0
Dilalka xoolo dhaqatada iyo dhaca loo geesanayo xoolahooda gaar ahaan lo’da ayaa kusoo badanaya gobolka galbeedka dalka Kenya kuyaalla ee Rift Valley, waxaana gobolkaasi...