fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeAhlusunna oo Sheegtay inay Qabanayaan shir Maamul loogu dhisayo Gobollada Dhexe
Array

Ahlusunna oo Sheegtay inay Qabanayaan shir Maamul loogu dhisayo Gobollada Dhexe

Maamulka Ahlusunna oo dhawaan la wareegey gacan ku heynta Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galguduud ayaa ku dhawaaqay inay Qabanayaan shir maamul loogu sameynayo Gobollada dhexe ee Somalia, gaar ahaan Mudug iyo Galguduud.

Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah sii-hayaha xilka guddoomiyaha guddiga fulinta ee Ahlusunna ayaa kulan ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ka sheegay inay ku qabanayaan degmadaas shir maamul sameyn ah, kaasoo lagu soo dhisi doono maamul-gobolada Mudug iyo Galgaduud ay yeeshaan.

“Hadafka laga leeyahay Shirkaan waa Maadaama aan horay u Fidinnay Gogosha lagu soo dhisayo maamulka Gobollada Dhexe, hakadna uu ku yimid, waxaan u aragnaa in hakadkii laga baxay, howsha dhismaha maamulkana la dar-darg-eliyo mar kale. Marka ma jirto fikir kale oo intaas dhaafsiisan,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Go’aankan kasoo baxay ururka Ahlusunna ayaa imaanaya xilli shalay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud lagu dhaariyay xildhibaanada baarlamaanka Galmudug oo ah maamul cusub oo loo dhisay Mudug iyo Galgududud, kaasoo ay garwadeen ka ahayd dowladda Federaalka Somaila.

Maamulkan ayaa la sheegay inay xaruntiisu noqonayso degmada Dhuuso-mareeb, inkastoo aan la ogeyn sida ay taasi ku suuro-galayso maadaama Ahlusunna ay kaga dhawaaqeen degmadaas shir lagu dhisayo maamul kale.

Dhawaanahan ayaa waxaa Dowladda Somalia iyo Ahlusunna ay Wadahadallo uga socdeen Dhuuso-mareeb, kuwaaasoo lagu soo afjarayay khilaafka kasoo dhex-cusboonaaday labada dhinac, balse ay muuqato inaan weli lagu guuleysan.

Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax hadal ah kasooo saarin go’aanka ay Ahlusunna ku sheegtay inay furayso shir maamul loogu sameynayo Gobollada Mudug iyo Galguduud.

 

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin Ah oo...

0
Jimco Sebtembar 29, 2023 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaayo qasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo galabta ka dhacay Maqaaxi ku...