Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAAl.Shabaab Oo Shaaciyay Iney Soo Riden Mid kamid ah Diyaaradaha Drones-ka

Al.Shabaab Oo Shaaciyay Iney Soo Riden Mid kamid ah Diyaaradaha Drones-ka

Al-shabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ee loo yaqaanno Drones-ka oo maanta ku dhacday deegaanka Ceel-bashiir oo ka tirsan Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa sheegtay in Diyaaraddan ay gacanta ku dhigeen Qaar ka mid ah Ciidamadeeda ku sugan Gobolka Bay, iyadoo Wararku intaas raacinayaan in Diyaaradda uu gaaray Burbur Xooggan.

Wararka ayaa intaas ku daray in deegaanka ay diyaaraddu ku dhacday ay isku hareereeyeen ciidamada Al-shabaab, iyadoo shacabka deegaanka ku nool loo diiday inay u soo dhawaadaan meesha ay ku dhacday diyaaradda.

Illaa hadda kama aysan hadlin Mareykanka diyaaradda Drones-ka ah ee la sheegay inay ku dhacday Duleedka Degmada Buurha-kaba ee Gobolka Bay, gaar ahaan Goob ay ka Taliso Xarakada Al-shabaab ee Somalia.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Mareykanka ayaa duqeymo ay ka geysteen Deegaannada Koonfurta Somalia ee ay Al-shabaab ka taliso, iyagoo sannadkan lagu jiro ku dilay duqeyn saraakiil sar-sare oo Al-shabaab ka tirsan.

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Somalia iyo Ciidamada AMISOM ee caawiya dowladda ayaa weli maamula ku haysa Deegaanno Badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...