War lagu qoray Warbaahinta Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay Qarax ku dileen Taliyihii Ciidamada Kenya ee Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo iyo Sidoo kale Shan Askari oo Kenyaan ah.
Al-shabaab ayaa Warka ay ku qoreen Warbaahinta Taageerta waxaa ay ku sheegeen in Qaraxa lala beegsaday Goob Talis u aheyd Ciidamada Kenya ee ku sugan Degaanka Ceel-cadde.
Sidoo kale Warka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Dhaawac Culus uu soo gaaray Guddoomiyaha Degaanka Ceel-cadde oo Magaciisa ay ku sheegeen Qoorleex.
marka laga soo tago sheegashada Al-shabaab ma jirto Cid madax banaan oo xaqiijin karta Jiritaanka Warka Al-shabaab,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Kenya oo ku aadan Qaraxasi .