Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeARIMAHA BULSHADAAl-Shabaab Oo Soo Dhoweysay Weeraradii Lagu Qaaday Paris Iyo Bamako

Al-Shabaab Oo Soo Dhoweysay Weeraradii Lagu Qaaday Paris Iyo Bamako

Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa bogaadisay ayaa markii u horeysay soo dhoweysay weeraradii lagu qaaday magaalooyinka Paris ee dalka Faransiiska iyo Bamako ee dalka Mali.

Bayaan ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarada Paris iyo Bamako uu ahaa mid ciqaab u ah dambiyada dadka Muslimiinta u geysanayaan reer Galbeedka

Sidoo kale Bayaanka ayaa lagu sheegay in duulaanka bahalnimada ah ee ay soo qaadeen Ruushka, Mareykanka iyo xulafadiisa sida Faransiiska uu ka turjmayo heerka uu gaarsiisan yahay xanuunka cadawga ku gaaray weeraradii Paris iyo Bamako, waxaana lagu tilmaamay in weeraradaas ay qaboojiyeen quluubta Muslimiinta sida lagu yiri Bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu xusay in Faransiiska uu gumaad iyo gabood-fallo ka geysto dalalka Muslimiinta, sida Algeria, Bosnia, Afghanistan, Afrikada Dhexe ilaa Falastiin oo ay taageero ula garab taagan yihiin Yuhuuda xooga ku heysata Masjid Al-Aqsa.

Waxaa lagu yiri Bayaan “Weerarada Muslimiintu ay ka geysanayaan dhulka faransiiska waa ay sii socon doonaan”

Weeraradii Paris lagu qaaday waxaa sheegatay mas’uuliyadeeda Daacish, halka weerarkii todobaad ka hor lagu qaaday Hotel ku yaalla Caasimada Bamako ee Mali ay sheegatay Koox xiriir la leh Al-Qaacida.

Ugu dambeyn bayaanka ayaa lagu xusay in Xarakada Al-Shabaab ay farxad iyo reyn-reyn la wadaagayaan dhamaan umadda Muslimiinta ee la dhacsan guulaha wiilashooda ay ka soo hoyeen weeraradii Paris iyo Bamako, kuwaasoo dhiigooda ku qoray baal dahab ah oo ay taariikhda xusi doonto.

 

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...