Alshabab oo weerar ku qaadday deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud

    0
    102
    jimco November 25 2022 {HMC} kooxda alshabab ayaa saakay weerar ku billawday Gaari lagu soo raray Waxyabaha Qarxa ku qaadday Deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud dagaalkaas waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac inkasta oo aan lasoo gudbin tira rasmi ah
    Saraakiil katirsan Maamulka Deegaanka Qaayib ayaa sheegay in ay kahortageen weerarka kooxda alshabab kaddib markii ciidamadu ay toogteen dagaalamayaa katirsan ragga weerarka qaaday inta aysan u dhawaan xeryaha la beegsaday
    Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kuwa Daraawiishta Galmudug & Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa billaabay dhaqdhaqaaq xooggan oo ay ku tagayaan deegaannada ay kasoo duullaan tagaan alshabab
    Dhawaan ayay aheyd markii Shabaab ay weerar ku qaadeen degaankaan