fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeAMISOM oo lagu Eedeeyay in ay Amar la’aan uga baxday Degaanka Janaale
Array

AMISOM oo lagu Eedeeyay in ay Amar la’aan uga baxday Degaanka Janaale

Iyadoo Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM ay ka baxeen Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose waxaa uu Eedeeyn Dusha uga tuuray Ciidamada AMISOM.

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Shabellaha Hoose  C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in AMISOM aysan ku soo wargalin markii ay ka baxaysay Degaanka Janaale Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose iyo Maamulka Koofur Galbeed.

C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay  in AMISOM ay Mas’uul  ka tahay la Wareegida Xarakada Al-shabaab Degaanka Janaale,waxaana uu Falkaasi ku tilmaamay mid laga Xumaado.

Mas’uuliyiintii Maamulka Degaanka Janaale ayaa la sheegay in ay u Carareen Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Al-shabaab ayaa Bishaan Gudaheeda qabsaday Degaanka Janaale Mudo Labo Jeer ah.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO