Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeAMISOM oo qiratay dil loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa...
Array

AMISOM oo qiratay dil loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa Garoonka Stadium Muqdisho

Taliska AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ayaa qirtay in askari ka tirsan Ciidamadooda uu dil u gaystay wiil 14 sano jira ah oo kubad ku cayaarayay Garoonka Kubada Cagta ee Stadium Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM korneel Paul Njuguna ayaa si cad u sheegay in baaritaan ay ku hayaan qaabka uu u dhacay dilka wiilka.
waxa uu sheegay in wiilka yar loo sheegay inuu ku cararay difaacyada AMISOM, islamarkaana askariga dilka geystay uu mooday qatar kusoo wajahan, sidaasna uu ku dilay.
“Macluumaadka aan hayo hadda waxay sheegayaan inuu qof usoo orday dhinca difaacaydda ciidanka AMISOM , ka dibna askri meesha ka dhawaa, ayaa waxa uu u qaatay in ay khatar kusoo socoto, laakiin waxaan ogahay in ninkaas la dilay, ilaa hadana macluumaad dheeraad ah ayaa raadinaynaa” ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa sidoo kale in qorshaha AMISOM ay soomaaliya u joogto inuusan ahayn iney dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed balse ay tahay iney difaacaan ilaaliyaana amnigooda, waxa uuna tilmaamay in AMISOM ay aad ugu xun tahay dilka wiilka.
” waan ka xunahay falkii dhacay balse waxan ku dadaaleynaa inan baaritaano dheeraad ah ku sameyno qaabkii uu u dhacay falkaasi, isla markaana aan sharciga horkeyni doono ciqaab adagna marsiin doono askarigii falkaasi sameeyay ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.
AMISOM ayaa dhowr Jeer Dilal kala duwan Gudaha Soomaaliya ugu geeysatay Dad Shacab ah,iyadoo la Xasuusto Dilalkii ay ka geeysteen Magaalooyinka Marka iyo Halgan oo kala kala tirsan Gobolda Hiiraan iyo Sh/Hoose.
MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY