Xildhibaanada Aqalka sare ee Mareykanka ayaa u codeeyay in meesha laga saaro qiil dhanka sharciga ah oo loo adeegsaday duulaankii Ciraaq labaatan sano ka hor, kasoo hadda la rumeysan yahay in uu khalad ahaa.
Codeynta loo qaaday hindise-sharciyeedkan ayaa waxaa tageeray 66 sanatar , halka ay diideen 30 xildhibaan.
Weerarkii lagu qaaday Ciraaq waxaa fasaxay madaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush kasoo ku been abuurtay Saddam Xuseen oo uu sheegay in uu haystay hubka wax gumaada halka uu si firfircoon u taageeray Ra’iisul wasaarihii Ingiriiska ee xilligaas, Tony Blair.
Sidoo kale aqalka sanetka ayaa meesha ka saaray oo laalay sababtii loo maray dagaalkii khaliijka ee Maraykanka uu hogaaminayay 1991-kii.
Boqolaal kun qof oo u dhashay dalka Ciraaq ayaa ku dhintay dagaalka iyo sidoo kale waxaa ku dhintay kumanaan Amerikaan ah.
Waxaa lagu wadaa in golaha wakiilada ee Mareykanka ay qaadan tallaabo lamid ah tan Aqalka Sare.
Labaatankii bishii March sanadkii 2003, Maraykanka iyo xulafadiisa waxay ku duuleen Ciraaq, waxayna xukanka ka tuureen taliskii Saddaam Xuseen. Mareykanka ayaa xilligaas sheegay in Ciraaq ay haysato hubka wax gumaada oo ay khatar ku tahay nabadda caalamka , balse dalal badan ayaa diiday in ay taageeraan tallaabo milateri oo ka dhan ah Ciraaq.
Dagaalkii Khaliijka 1990-1991, Maraykanku waxa uu hoggaaminayey isbahaysi caalami ah oo ciidamadii Ciraaq ee duullaanka ahaa ku qasbay in ay ka baxaan Kuwait.
Intaa ka dib, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar tirsigiisu ahaa 687 oo ku amraya Ciraaq in ay burburiyaan dhammaan hubka wax gumaada, oo looa jeediyay hubka Nukliyeerka.
Eedeymihii loo jeediyay Ciraaq
Xoghayihii arrimaha dibadda ee Maraykanka Colin Powell ayaa u sheegay Qaramada Midoobay 2003dii in Ciraaq ay leedahay “qalabka ” lagu sameeyo hubka haysashadiisa lagu eedeynayay Ciraaq.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qirtay sanadkii 2004 in arrintaas caddeynteeda “aysan u muuqan inay xoog badan tahay”.
Dowladda Britain ayaa sidoo kale ku dhawaaqday gal sirdoon oo sheegayay in gantaalada Ciraaq lagu diyaarin karo 45 daqiiqo gudahood si ay ugu garaacaan bartilmaameedyada Britain ee bariga Mediterranean-ka.
Tony Blair, ra’iisul wasaarihii Ingiriiska ee xilligaas, ayaa sheegay in aan “shaki ku jirin” in Saddaam Xuseen uu sii wado soo saarista hubka wax gumaada.
Labada dal ayaa si weyn ugu tiirsanaa eedeymo uga yimid labo nin oo Ciraaq ka goostay, oo mid uu ahaa Injineer ku xeel-dheer kiimikaad oo lagu magacaabi jiray Rafid Axmed Alwan Al-Janabi iyo sarkaal sirdoon ahaa oo lagu magacaabi jiray Major Muxamed Harith, kuwaas oo sheegay in ay si toos ah wax uga ogyihiin barnaamijka hubka wax gumaada ee Ciraaq.
Labada nin ayaa markii dambe sheegay in ay arrimahaas oo dhan u sameynayeen in xulafadii uu hoggaaminayay Mareykanku ay duulaan ku qaadaan Ciraaq oo ay xukunka ka tuuraan Saddam.
Yaa diiday in uu dagaalka taageero?
Dawladaha deriska la ah Maraykanka, Canada iyo Mexico, ayaa diiday inay taageeraan. Jarmalka iyo Faransiiska, oo ah labada xulafada ugu weyn Mareykanka ee Yurub, ayaa sidoo kale diiday inay bixiyaan taageero.
Wasiirkii arrimaha dibadda ee Faransiiska Dominique Villepin ayaa sheegay xilligaas in faragelinta milatarigu ay noqon doonto “arrin adag”.
Turkiga – oo xubin ka ah NATO oo derisna la ah Ciraaq – ayaa isana diiday in Maraykanka iyo xulafadiisa ay isticmaalaan saldhigyadooda cirka.
Sidoo kale dalalka Bariga Dhexe ee Maraykanka ka taageerayay Ciraaq dagaalladii Khaliijka ee 1990-1991, sida Sucuudi Carabiya ayaan taageerin duullaankiisa 2003-dii.
Professor Gilbert Al-Ashqar oo ah khabiir ku xeel dheer siyaasadda bariga dhexe kana tirsan jaamacadda London ayaa yiri: “Dawladaha Khaliijka Carabta waxay moodayeen in qorshahaas uu ahaa mid waali ah, waxayna ka walaacsanaayeen in Iran ay maamusho Ciraaq kadib markii uu dhacay taliskii Saddaam”.