Maamulka Galmudug State ayaa maamul cusub u magacaabay degmada Balanbal ee gobalka Galgaduud, ka dib safar dhowr cisho ah oo halkaasi uu ku joogay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.
- Maamulka cusub ee degmada Balanbal loo magacaabay ayaa ka kooban 15-xubnood, waxaana gudoomiye looga dhigay Jaamac Xayle Maxamed.
Wareegtada lagu magacaabay maamulkaan ayaa waxay kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha maamulka Galmudug.
Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-
- Jaamac Xayle Maxamed waxaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Balanbal,
- Cabdirisaaq Cabdi Xalane, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad,
- Cabdi Xaaji Xasan Guddoomiye ku-xigeenka labaad,
- Cabdullaahi Xasan Barre Xoghayaha dowladda Hoose,
- Cabdi Faarax Warsame Madaxa Waaxda Amniga iyo siyaasadda,
- Saalax Cabdulle Aadan madaxa Waaxda Arrimaha bulshada,
- Dhakal Qurac Cali madaxa Waaxda maamulka iyo Maaliyadda,
- Cabdi Muuse Cali Taliyaha booliska ee degmada,
- Cawil Cabdi Yuusuf Taliyaha Nabad sugidda degmada,
- Cabdifataax Daahir Buldhe kaaliyaha Waaxda Amniga iyo siyaasadda,
- Feysal Siyaad Caanood kaaliyaha Waaxda Arrimaha bulshada,
- Shirwad Cali Kulane kaaliyaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda,
- Cabdi Caanood Guuleed kaaliyaha Waaxda Garsoorka,
- Sheekh Faarax Cilmi Faarax Qaaliga Degmada,
- Gambeys Xasan Gurato Madaxa Waaxda Bi’ada iyo dhirta
Maamulka Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku howlanaa maamul u sameynta deegaanada iyo degmooyinka gobalada Mudug iyo Galgaduud