Ciidamada Booliska Magalada Baladweyne ay gacanta ku soo dhigeen Haweeney dishay seygeeda, isla markaana ay u adeegsatay sun ay caano ugu dartay.
Taliyaha Saldhigga Xafada Howlwadaag magaalada Beledweyn dhame C/qaadir Moosh Moosh Radio Hiranweyn U sheegay in haweeneyda la soo qabtay ay ninkeeda sun ugu dartay caano, isla markaana xalay abaarihii 10-ka habeenimo uu u geeriyooday sunta.
Sababta Ka danbeysay In Haweneydan ay disho seygeda ayaa la shegay in Haweeneyda iyo Seygeeda uu ka dhaxeeyay muran, isla markaana dhowr jeer oo hore ay dalbatay inuu furo, hase ahaatee uu isna diidanaa, taasna ay keentay inay sun ugu darto caano.
Sidoo kale waxaa ay Ciidamada Booliska soo qabteen haweeney kale oo iyana la sheegay inay qorsheyneysay inay ninkeeda sun ugu darto caanaha, isla markaana ay iyada iyo haweeneydii dishay seygeeda isla wadeen qorshahaas.
Arintan ayaa maanta si aad ah looga hadal hayaa magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan , iyadoo meydka ninka la sumeeyay lagu aasay duleedka magaalada.
Waa Falkii 4 oo haweney ninkeeda ku disho baladweyne magalada baladweyne inta lagu gudajiray sanadkan 2015
Comments are closed.