Tuesday, June 6, 2023
spot_imgspot_img

Arsene Wenger Oo Barcelona Kaga Digay Isku Dayga Saxiixa Hector Bellerin

Arsene Wenger ayaa kooxda Barcelona uga digay isku dayga ay ku wadaan saxiixa daafaca midig ee Gunners iyo xulka Spian ee Hector Bellerin kaasoo si weyn loola xiriirinayo ku laabashada kooxda Barcelona oo uu ka soo tagay isagoo 16 jir ah.

Bellerin oo haatan 21 jir ah ayaa mudadii uu joogay Gunners kamid noqday daafacyada midig ee ugu fiican caalamka ee da’doodu ka hooseyso 23 jirada wuxuuna si fiican ula qabsaday kooxda Arsenal halkaasoo uu ka yahay daafac aan la badali karin laakin Barca ayaa u aragta badalka waqtiga dheer ee Dani Alves.

Wenger oo ka hadlayay arintaas ayaa yiri “Hector waa wiil aad u qiimo badan, waxaan ciyaartooyda isku daynaa inaan ka saxiixno qandaraas mushaarkiisa lagu qiimeyn karo tayadooda, waxaa haatan ka haray qandaraaskiisa 3 sanadood laakin waxaan isku dayi doonaan inaan heshiis waqti dheer ah ka saxiixno, mustaqbalkiisa halkaan ayuu yaalaa”.

“Kulankiisii ugu horeeyay wuxuu ahaa qarow sababtoo ah xili ciyaareedkii ka horeeyay wuxuu joogay Watford mana uusan ciyaareen, haatan si adga ayuu u shaqeeyay waxaana taas sabab u ah maskaxdiisa shaqada u dabacsan”.

 

 

Wenger ayaa diiday inuu aranti Bellerin la meel dhigo tii uu sanadii 2011 ku waayay Cesc Fabregas oo u dhaqaaqay Barcelona wuxuuna yiri “Wax baan ayaa markaas ilaa haatan is badalay, qasab ma aha inuu qofka uu ka ciyaaro halkii uu ku dhashay, nolosha casirga ah waxay keentay ilbaxnimo”.

MUQAALADA

3 COMMENTS

Comments are closed.

WARARKA

Baarlamaanka Somaliland oo laalay xubinimadii C/risaaq Khaliif

Talaado-june-06-6-2023-{HMC}  Baarlamaanka Somaliland ayaa Talaadada maanta ah waxa uu sheegey inuu laalayo xubinimadii Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, Talaabadan ayaa salka ku haysa eedeymo loo jeediyey ay...