Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
HomeCIYAARAHAArsene Wenger Oo Sharaxay Sababtii Keentay In Labedelo Pierre-Emerick Aubameyang- Ma Aheyn...

Arsene Wenger Oo Sharaxay Sababtii Keentay In Labedelo Pierre-Emerick Aubameyang- Ma Aheyn Dhaawac

 

Tababare Arsene Wenger ayaa hoos u dhigay cabsida ah in Pierre-Emerick Aubameyang dhaawac soo gaaray kulankii Arsenal ay 3-2 kaga badisay Southampton ka dib markii weeraryahanka bedel lagu sameeyay qeybta labaad.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee reer Gabon ayaa dhaliyay mid kamid ag goolasha Gunners, iyadoo Danny Welbeck uu raacsaday labada kale.

Alexandre Lacazette oo kusoo bilowday kursiga keydka ayaa lagu bedelay Aubameyang, waxaana loo maleynayaa inuu soo gaaray dhaawac.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal waxay ka walwalsan yihiin in Aubameyang uu soo gaaray dhaawac jilibka ah kulankii Southampton, hase yeeshee Wenger ayaa sheegay in kaliya weeraryahanka uu daalnaa.

Wuxuu u muuqday mid daalan, waxaan doonayay inaan 20 daqiiqo ciyaarsiiyo Lacazette si uu nasiino u helo Pierre-Emerick Aubameyang.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY