fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeCIYAARAHAArteta Oo Ugu Dambayn Aamusnaanta Ka Baxay & Wuxuu Ka Yidhi Haddii...

Arteta Oo Ugu Dambayn Aamusnaanta Ka Baxay & Wuxuu Ka Yidhi Haddii Uu Real Madrid Ku Socdo

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wararka dhawaanahan la xidhiidhinayay kooxda dalkiisa Spain ee Real Madrid xilli uu shaqo cajiib ah ka hayo magaalada London.

Carlo Ancelotti ayaa ah tababaraha haatan ee Real Madrid balse macalinka Talyaaniga ah ayay isasoo tarayaan wararka sheegaya inuu dhammaadka xilli ciyaareedka kooxda ka huleelayo.

Ancelotti oo sanadkii hore Champions League, La Liga iyo Spanish Super Cup la qaaday Los Blancos ayaan xilli ciyaareedkani u ahayn mid aad u wanaagsan iyadoo sagaal dhibcood hoggaanka horyaalka lagaga hayo isla markaana ay ku dhaw yihiin inay Copa Del Rey ka hadhaan.

Mikel oo ka hadlay wararka isasoo tarayaya dhawaanahan ee la xidhiidhinaya Madrid ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay shaqada uu ka hayo kooxdiisa Arsenal.

Xiddigii hore ee Everton ayaa yidhi “Waa wax aysan tababaaryaasha iyo ciyaartoydu xakamayn karin waxyaabaha la qoraa”.

“Waxa aan sheegi karaa waa inaan si buuxda diirada u saarayo waxa aan qabanayo oo aan saa’id uga mahadnaqayo uguna faraxsanahay waxa aan ka qabanayo kooxdan kubada cagta”.

Arteta ayaa xilli ciyaareedkan shaqo aan caadi ahayn ka haya Arsenal oo haatan shan dhibcood hoggaanka Premier League kaga haysa kooxda difaacanaysa ee Erling Haaland.

40 sano jirkaas ayaa si joogto ah hoos ugu dhigaya wararka sheegaya inay horyaalka ku guuleysanayaan isagoo xusaya inay kulan kulan ula tacaalayaan xilli ciyaareedka.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Xildhibaan Sanbaloolshe oo shaaciyey xogta sida lagu sii daayey Cali Xooshow

0
Talado, October -3- 2023-{HMC} Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa soo saaray qoraal uu ku sharaxay sidii ay ugu suurta-hashay inay cabsiga ka soo...