Tuesday, June 6, 2023
spot_imgspot_img

Aubameyang oo shaaca ka qaaday heshiiska uu rajeynayo in Arsenal ay ku guuleysan doonto

Kabtanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa shaaca ka qaaday magaca ciyaaryahanka uu rajeynayo in Gunners ay ku guuleysan doonto inay hesho adeegiisa.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa shaaca qaaday inuu rajeynayo in kooxdiisa Arsenal ay ku guuleysan doonto saxiixa xiddiga kooxda Lyon ee Houssem Aouar.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Kabtanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Houssem Aouar waa ciyaaryahan aad u wanaagsan”.

“Waxaan rajeynayaa inaan nasiib u yeelan doono in kooxdeena ay hesho ciyaaryahan noocan oo kale ah”.

“Waxaana hubaa inuu waxyaabo badan nagu soo kordhin karo”.

Heshiiska lagu doonayo in lagu helo Houssem Aouar ayaa noqday mid aad u cakiran maalmihii la soo dhaafay, kaddib markii ay kooxda Lyon ku adkeysatay qiimaha ay ku fasaxi karto laacibkan khadka dhexe ee reer France.

Houssem Aouar ayaa muujiyay qaab ciyaareed aad u fiican inta lagu gudi jiray waayihiisa kooxda reer France ee Lyon, ha ahaato tartamada gudaha Faransiiska ama tartanka Champions League.

MUQAALADA

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Qorshe ay La damacsanaayeen Lafta gareen iyo Aadan Madoobe Dagmada Baraawe oo La ogaaday

Talaado-june-06-6-2023-{HMC} Qorshe ay La damacsanaayeen Lafta gareen iyo Aadan Madoobe Dagmada Baraawe oo La ogaaday iyo dadka ka so jeedo Dagmadaas oo Casho xoogan...