Baadriga oo canbaareeyay tujaarta

1
477

Baadariga weyn Francis ayaa daleeceeyay dadka laga badan yahay ee xoolaha badan leh in aysan kala jeceleyn dhibaatadda haysata dadka saboolka ah mar uu khudbad ka jeediyay xaafadda dadka saboolka ah ay degan yihiin ee magaaladda Nairobi.

Dad badan ayaa isugu soo baxay booqashada baadarigu uu ku tagay xaafada Kangemi oo ay degan yihiin ilaa iyo konton kun oo qof oo sabool ah oo aan laheyd faydhoor munaasab ah.

Waxaa uu ku baaqay in xaaladda nolosha ee dadkaasi in wax laga bedelo loona dhiso kaabayaal ay ka mid yihiin dusiyo iyo biyo la cabo.

Waxaa uu baadarigu dhaleeceeyay dadka ladan ee laga badan yahay oo uu ku sheegay in ay xoolo uun urursanayaan iyagoo wax u hanbeeneen dadka saboolka ah.

Baadariga weyn ayaa u ambabaxi doona daka Yuganda ka hor inta uusan ku soo gabagabeynin safarkiisa maalinta Axadda Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

SHARE