spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Baaritaano lagu Sameynaayo Hay’adaha sida qasab ah ugu soo celiyo muwaadiniin Soomaaliyeed...

Baaritaano lagu Sameynaayo Hay’adaha sida qasab ah ugu soo celiyo muwaadiniin Soomaaliyeed Gudaha dalka.

0
23

Isniin 24, Nov 2025 {HMC} Guddiga arrimaha dibadda golaha shacabka ee  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inay baaritaan dhab ah ku sameynayaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo si qasab ah loogu soo celiyay gudaha dalka, iyadoo guddiga joogtada ah oo shalay kulmay uu sheegay inay arrintan kala xiriiri doonaan hay’adaha ay quseyso ee dawladda.

Baaritaankan la sheegay in la billaabayo wuxuu ku soo aadaya xilli ay dhawaan soo shaac baxday inay dawladda mashaariic ku beddelanayso soo celinta muwaadiniinta sida qasabka looga soo tarxiilayo dalalka galbeedka.

Mid ka mid ah kiisaska ugu caansan waxaa daahqaaday warbaahinta dalka Sweden oo sheegtay inay dawladda Sweden malaayiin doollar ku siinayso dawladda Soomaaliya , dib u celinta qasabka ah ee muwaadiniinta Soomaalida ah, wallow ay labada dalba diideen eedeymahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here