fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeBaarlamaanka oo ansixiyay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha, kadib cod qarsoodi loo qaaday
Array

Baarlamaanka oo ansixiyay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha, kadib cod qarsoodi loo qaaday

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Guddiyada madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha, iyadoo kulanka maanta uu ka duwanaan kulamadii hore, isla markaana uu saacado badan qaatay.

Kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray illaa 187 xildhibaan, iyadoo ajandaha uu ahaa cod u qaadista xubnaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha, waxaana mid mid loogu codeeyay xubnaha Guddiga.

Xubin kasta oo codka loo qaadayay ayaa waxaa looga baahnaa inuu helo 94 cod, waxaana goobta la keenay labo sanduuq oo lagu kala codeynayay, Xildhibaan kasta ayaa la hor dhigay Labo warqad oo kula qornaayeen magacyada xubnaha Guddiga oo ahaa HAA IYO MAYA.

Codeynta Xildhibaanada kadib ayaa markii la tiriyay waxaa dhamaan la ansixiyay Guddiga Doorashooyinka oo dhamaan helay cododkii loogaga baahnaa ee ansixinta.

Kulankii Baarlamaanka ayaa ka duwanaa kulamadoo hore, iyadoo la keenay labo sanduuq oo lagu codeynayay

Hadaba sagaalka xubnood ee Guddiga doorashooyinka ayaa waxay cododka u heleen sidan:-

1. Siciid Xaashi Warsame, wuxuu heley 124 cod
2. Maxamed Xasan Thaani, wuxuu heley 120 cod
3. Xuseen Cabdi Aaden, wuxuu heley 119 cod
4. Sayid Cali Sheekh Maxamed, wuxuu heley 129 cod
5. Maxamed Axmed Nuur, wuxuu heley 117 cod
6. C/rixmaan Cismaan Dirir, wuxuu heley 128 cod
7. Maxamed Daahir Maxamuud, wuxuu heley 127 cod
8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, waxaa ay heshay 102 cod
9. Khadiijo Cosoble Cali, waxaa ay heshay 119 cod.

Waxaa haatan socota tirinta Xubnaha Guddiga Xuduudaha, waxaana warar horu dhac ah oo aan heleyno ay sheegayaan inay u badan tahay in la ansixiyo, balse ay tirinta cododkooda socoto.

Magacyada Guddiga xuduudaha ee hada tirinta codkooda ay socoto ayaa waxay kala yihiin sidan:-

1. Muuse Waxgarad C/laahi
2. Liibaan Cali Sahal
3. Maxamed Muxyadiin Sh. Sahal
4. Dr. C/laahi Gacal Cabdi
5. Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim
6. Siciido Xasan Cusmaan
7. Xuseen Xaashi Xasan
8. C/khaaliq C/laahi Xamza
9. Khaliif C/kariin Maxamed

Guddiyadan madaxa banaan ee kala ah Guddiga doorashooyinka iyo Guddiga xuduudaha oo ay soo magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa uu noqonayaa qayb ka mid ah u diyaar garowga Hiigsiga sannadka 2016’ka la gaaray maadaama sannadkaas la filayo in Soomaalia ay ka dhacaan doorashooyin Madax bannaan.

FG: Waxaa idin soo gudbin doonaa cododka ay heleen Guddiga xuduudaha

Barlamaank

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Sacuudiga oo qaaday tallaabo ka dhan ah Maamulka Somaliland

0
Arbaco, October -4- 2023-{HMC}  – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa joojisay xoolihii Somaliland ee loo dhoofin jiray dalkeeda, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada...