Bankiga aduunka ayaa qaaday talaab wax ku ool ah oo lagu taageerayo qul qulka Xawaaladaha Soomaaliya,si loo xaqiijiyo ishan muhiimka ee dadka Soomaaliyeed ay wax ka soo galaan.
Agaasimaha Bankiga Aduunka dalalka Tanzania, Burundi, Malawi iyo Somalia, Bella Bird,ayaa sheegay in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS),kala kaashanayaan bilowda dhismaha awooda waaxda kormeerka si loo hubiyo wax ku oolka lacagaha la isugu diro Soomaaliya iyo ruqsada loo heysto.
Sidoo kale,agaasimaha Bankiga Aduunka ee dalka Tanzania, Burundi, Malawi iyo Somalia,ayaa xusay in qaaditaanka talaabadaan muhiim u tahay in Soomaaliya ay kalsooni iyo tix gelin xaga Maaliyada ah ay ka hesho beesha caalamka.
Ku dhawaad 40%,Nolosha Qoysas Soomaaliyeed ayaa ku xiran lacagaha la isu diro,kuwaasi oo ay ku daboolaan baahidooda kala duwan,sida Cuntada,daryeelka Caafimaadka iyo Waxbarashada,waxayna inta badan lacagtaasi Soomaalida kaga timaada dalka dibadiisa.
Xawaaladaha lacagta Soomaaliya ayaa 18-bilood ee la soo dhaafay xaalado adag wajahayay,wuxuuna bankiga aduunka uu balan qaaday iney joogteynayaan Helida Xisaab Banki si ay u sii socdaan Howlahooda ganacsi.