fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeCIYAARAHABarcelona Oo Xalay U Dabaaldegtay Hal Sanno Guuldarro La’aan Ah & Muhiimada...

Barcelona Oo Xalay U Dabaaldegtay Hal Sanno Guuldarro La’aan Ah & Muhiimada Guushii Leganes

Lionel Messi ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii xalay kooxdiisa Barcelona ku barbareysay rikoorkii guulaha xiriirka ah ee La Liga.

Barcelona ayaa gaartay 38 kulan oo aan laga badinin La Liga xalay, markaasoo ay barbareeyeen rikorkii Real Sociedad 38 sanno ka hor ka dhigtay horyaalka Spain.

Lionel Messi ayaa mar kale guul ku hogaamiyay kooxda Catalans, isagoo dhaliyay seddexleey kulankii kooxidiisa 3-0 kaga badiyeen Leganes.

Guushaas ayaa ka caawisay kooxda Barcelona inay gaartay 38 kulan oo aan laga badinin, waxaan ay barbareeyeen rikoorkii Real Sociedad sameysay intii u dhaxeysay 1978 ilaa 1980.

Barcelona ayaa badisay 24 kulan, iyagoo barbaro galay todobada kulan kale 31 kulan oo ay ka ciyaareen horyaalka xilli ciyaareedkan, waxaana ay haatan 12 dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ee Atletico Madrid.

Guuldaradii ugu danbeysay Barcelona waxa ay aheyd mid timid 8 April, 2017, markaasoo ay la ciyaarayeen Malaga, ciyaar casaan loo taagay Neymar.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Xildhibaan Sanbaloolshe oo shaaciyey xogta sida lagu sii daayey Cali Xooshow

0
Talado, October -3- 2023-{HMC} Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa soo saaray qoraal uu ku sharaxay sidii ay ugu suurta-hashay inay cabsiga ka soo...