fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeBeesha Caalamka oo soo Dhaweysay Shirka Maamulka Sameynta Gobollada Dhexe ee Somalia
Array

Beesha Caalamka oo soo Dhaweysay Shirka Maamulka Sameynta Gobollada Dhexe ee Somalia

 

Qaramada Midoobay, IGAD, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Talyaaniga, Itoobiya, Uganda iyo Turkiga ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay furitaanka shirka maamul-u-samaynta Gobollada Dhexe ee Somalia oo maalin ka hor ka furmay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Ururada matala Beesha Caalamka ayaa waxay ku amaaneen dadka kasoo jeedda Gobollada Dhexe sida ay u soo gaba-gabeeyeen shirkii dib-uheshiisiinta ahaa ee ka socday degmada Dhuusa-mareeb, kaasoo ay ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay in dalka lagu soo celyo nabad iyo xasiloloni.

“Tani waa tallaabo kale oo muhiim ah, loona qaaday dhinaca Qaran-dhisidda Somalia, gaar ahaan dhismaha maamulka Gobollada Dhexe iyo dhammaan Soomaalida oo dhan. Inkastoo aan ka dhur-sugayno inuu shirka Cadaado ku dhammaaado guul, waxaana ku boorinaynaa dadka ku nool gobolladaas iay maamulkooda ku dhistaan hab-ku-dhisan dib-u-heshiisiin, isku-tanaasul iyo inay u dhamaadaan shirka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saareen ururrada Beesha Caalamka.

Sidoo kale, ururradan waxay boogaadiyeen doorkii uu maxadwaynaha Soomaaliya, Xasan Seekh ka cayaaray furitaanaka shirka, kaasoo furmay 16-kii bishan Abriil. Isagoo ku boorriyay dhammaan ka qayb-galayaasha shirka in ay meel iska-dhigaan danaha qaaska ah iyo wixii farqi ah ee u dhaxeeya; auna si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta nabadda iyo dhijsmaha maamulka goboleedka Mudug iyo Galguduud.

Xubnahan ayaa sidoo kale si adag ugu guubaabiyeen dhammaan ka qayb-galayaasha shirka inay u wada-shaqeeyaan sidii ay maamulkooda u dhisan lahaayeen. iyagoo ballanqaaday inay taageero ka geysanayaan sidii natiijo kasoo baxda shirka.

“Beesha Caalamka waxay u mahad-celinayaan dadka Xibin iyo Xeeb iyo maamulkooduba soo dhaweyntii xubnaha Beesha Caalamka qaarkood oo dhawaan booqasho ku tagay Cadaado, taasoo suuro-gelisay inay si toos ah u arkaan dad badan oo ay arrintu quseyso. Booqashadanina waxay ahayd mid aan ku muujinayno taageerada aan u hayno shirka iyo inaan horumarinno dhaqanka ku qotoma isku-tanaasulka,” ayuu war-saxaafadeedkaan ku yiri danjire Nicholas Kay.

Ugu dambeyn, ururrada Beehsa Caalamka ayaa ku sheegay qoraalkoodan in furitaanka shirka Cadaado uu ka dhashay heshiis 30-kii Julay 2014-kii ay ku saxiixdeen Muqdisho bulshada gobollada dhexe kasoo-jeeda, kaasoo ahaa in la dhiso maamul ay gobollada Mudug iyo Galguduud yeeshaan.

Beesha_Caalamka_Taageero_Shirka_Cadaado_HOL

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin Ah oo...

0
Jimco Sebtembar 29, 2023 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaayo qasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo galabta ka dhacay Maqaaxi ku...