Tuesday, June 6, 2023
spot_imgspot_img

BIG NEWS: Man Utd Oo Ceyrineysa Jose Mourinho Haddii Uusan Ku Guuleysan FA Cup

MANCHESTER UNITED ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsan doonto ceyrinta Jose Mourinho haddii Tottenham ka reebto Red Devils tartanka FA Cup.

Mustaqbalka Mourinho ee Manchester United ayaa shaki weyn uu ku jiraa ka dib markii Red Devils ay Champions League kasoo reebtay kooxda Sevilla horaantii bishaan.

54-sano jirkaan ayaa ku hogaamiyay United EFL Cup iyo Europa League xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay Old Trafford.

Hase yeeshee, inkastoo United ay ku jirto kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, waxaa jira dareen ah qaabka uu ugu guuleysan karo FA Cup-ka.

Dhaleeceynta Luke Shaw, fashilka Alexis Sanchez iyo go’aanada qaldan ee uu ka qaatay Paul Pogba ayaa dhulka la geli karta shaqada Mourinho.

Wargeyska Manchester Evening News ayaa sheegaya in Jose Mourinho shaqada laga ceyrin doono hadii uu ku guuleysan waayo FA Cup.

Manchester United ayaa ceyrisay David Moyes 10 bilood ka dib markii ninka reer Scotland ku guuldareysatay inuu koobab u qaado kooxda.

Louis van Gaal ayaa ku guuleystay FA Cup xilli ciyaareedkiisii labaad ka hor inta aan lagu bedelin tababare Jose Mourinho.

Laakiin haatan mustaqbalka tababaraha reer Portugal ayaa shaki weyn laga qabaa, waxaana lala leeyahay haddii uusan ku guuleysan FA Cup wuxuu weyn doonaa shaqadiisa.

Waxa ay la ciyaari doonaan Tottenham bisha April, iyadoo Mauricio Pochettino kooxdiisa ay isha ku heyso koobkaan.

MUQAALADA

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Qorshe ay La damacsanaayeen Lafta gareen iyo Aadan Madoobe Dagmada Baraawe oo La ogaaday

Talaado-june-06-6-2023-{HMC} Qorshe ay La damacsanaayeen Lafta gareen iyo Aadan Madoobe Dagmada Baraawe oo La ogaaday iyo dadka ka so jeedo Dagmadaas oo Casho xoogan...