Dekedda magaalada berbera waxaa halkaasi garay doon kale oo siday qaxooti ka soo cararay dagaallada iyo duqeynta ka socda dalka yemen mudada bisha iyo dheeraadka ah .
tiradoodu waxay ahayd 222 qof oo u badan caruur iyo dumar wada somaali ah marka laga reebo shan qof oo ethiopian ahaa sida uu caddeeyay maareeyaha dekedda berbera oo ka mid ahaa masuuliyiintii somaliland ee qaxootiga ku qaabilay dekedda Berbera.
Gudoomiyaha gobolka saaxil ee berbera fahmi cabdi bidaar ayaa warbahinta u sheegay in somaliland qaabileyso dadka ka soo qaxaya dagaalka yemen oo wixii karaankooda ah ay u qabanayaa,
kooxo caafimaad siiba bisha cas iyo wasaaradda caafimaadka somaliland ayaa caruurta talaal siinayay markay ka soo degaan doonta.
Doontani waa tii 8aad ee garta dekedda Berbera ee qaxooti yemen ka soo cararay keentay , kuwaasoo tiradooda ay ku sheegeen masuuliyiinta somaliland in ka badan 1500 qof . qaxootigan waxaa la dejiyaa xarun loogu talo galay berbera oo hay’adaha gargaarku maamulaan, kadibna markay dhawr cisho ku nastaan ayaa qof waliba deeegaankiisii uu u socdaalaa.