Guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Britain ayaa ka hor-yimid qorshaha dowladda Britain ku dooneyso ogolaanshaha duqeymaha Suuriya, si loo sii xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Daacish.
Xukuumadda Britan ayaa dooneyso inay hesho aqlabiyada ugu badan ee Aqalka Commons-ka, si ay is bedel ugu sameeyaan xeerkii Ra’iisul Wasaare David Cameron oo ahaa in loo ogolaado duqeymaha Suuriya.
Guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka ayaa sheegay in tallaabada dowladdu dooneyso in duqeymo kaga geysato Suuriya ay tahay mid dhabar jab ku ah dadaalada lagu soo afjarayo colaadda Suuriya.
Warbixin cusub oo ay soo saareen guddiga aqalka baarlamaanka u qaabbilsan arrimaha dibadda oo soo afjaray inaan loo baahnaan doonin ballaarinta tallaabo militariga oo ay ka maqan tahay isku xirka istiraatiijiyad caalami ah oo ka kooban ka adkaanta kooxda la baxday Khilaafada Islaamka iyo xallinta dagaalka sokeeye ee Suuriya.
Xaaladda Suuriya ayaa si degdeg ah isugu badaleysa weerarka xoogga leh ee Ruushka uu halkaasi ku farageliyay iyo wadahadallada nabadda ee caalamka uu dabada ka riixayo ee loo arko in duqeymaha ay faragelin ku yihiin.