Burcad badeeda Soomaalida oo Afduubtay Markab laga leeyahay Iiraan

0
419

Burcadbadeeda Soomaalida ayaa afduubtay Markab laga leeyahay wadanka Iran oo nuuca kaluumeysiga ah , oo ay saaranyihiin 15 shaqaale ah.

Sarkaal Soomaali ah oo dhanka badaha qabiir ku ah aya ka digaya in burcadbadeeda Soomaalida ay qatartoodu dib usoo laaban karto madama kiisas horleh lasoo warinayo.

3-dii sano ee lasoo dhaafay waxay umuuqatay in laga nabadgalay dhibaatada burcadbadeeda Soomaalida madama maraakiibta iyo doomaha shisheeye ay sameysteen ilaalo u gaar ah iyadoo sidoo kale maraakiib dagaal ay marwalba gaaf wareegaan  bada Soomaaliya.

Burcadbadeeda ayaa habeenimadii axada ka afduubtay markabkan iran laga leyahya biyaha waqooyiga Eyl , sida uu sheegay Abdirizak Maxamad Dirir oo kamid ah saraakiisha Puntland.

John Steed oo katirsan koox OBPG lagu magacaabo oo dhanka badaha ah ayaa isna dhankiisa ka xaqiijiyay in afduubkan uu jiro markabkan la afduubtana lagu magacaabo Muxamidi.

Warbixin la daabacay bishii October oo ay qaramada Midoobe soo saartay ayey walaac kaga muujisay in dib ay usoo laba kacleen karaan burcad badeeda Soomaalida hadii maraakiibta shisheeye ay siiwadaan kaluumeysiga sharci darada ah ee ay ka wadaan badaha Soomaalida.

SHARE