fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKACabdiraxmaan Cabdishakuur oo la kulmay Safiir ku xigeenka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la kulmay Safiir ku xigeenka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya

Arbaco 8 March {2023}  {HMC}  Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Safiir ku xigeenka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Timothy Trenkle oo uu wehliyay sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda USAID.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii wadajir wax looga qaban lahaa la tacaalidda sababaha keena soo noqnoqodka abaaraha oo ay ugu wayn tahay is-beddelka cimilada iyo sidii looga gudbi lahaa gurmadka degdegga ah looguna gudbi lahaa mashaariic dhisaysa adkaysiga bulshada, soo ka bashada iyo horumarka.
Ergeyga ayaa sidoo kale kala hadlay Danjire Tim Trenkle, sidii Maraykanku gacan uga geysan lahaa xoojinta awoodda iyo kartida hay’adaha dawladda, si ay awood ugu yeeshaan waxqabad wax ku ool ah oo dadka Soomaaliyeed wax-tara, si ay Soomaaliya uga baxdo ku tiirsanaanta gaargaarka bani’aadannimo.
Safiir ku xigeenka Dowladda Maraykanka iyo sarkaalka ka socday USAID ayaa dhankooda ballan qaaday in Washington, sii laba-jibaari doonto howlaha hormarin iyo gargaar ee Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dawladda Maraykanka uga mahad celiyey kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaadatay gurmadka abaaraha.
MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Doorashada Madaxweynaha Puntland oo Lagu galidoono qof iyo cod

0
Arbaco-4-October-2023-{HMC} Doorashada Madaxweynaha Puntland oo Lagu galidoono qof iyo codMaxamuud Caydiid Dirir Wasiirka warfaafinta ee maamul Puntland, ayaa ku adkaystay inay qabanayaan doorasho qof...