Wareegto uu soo Saaray Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta loogu Magacaabay Taliyaha Booliiska Puntland,
Jen. C/risaaq Maxamuud Yuusuf Af-gaduud oo horay xilal ciidan uga soo qabtay Puntland iyo Somalia, hadana ka mid ahaa saraakiisha aan xilka hayn#
Xilka taliyaha ciidamada booliiska Puntland waxaa sanado badan soo hayey Jen# Maxamed Saciid Jaqanaf, isagoo sheegay in inuu soo dhaweynayo Xil-ka-qaadista lagu sameeyay iyo Taliyaha cusub ee loosoo magacaabay Booliiska Puntland#
Jen# C/risaaq Af-guduud ayaa horey ula soo shaqeeyay Xukuumadihii Puntland soo maray, Wuxuuna horay u soo Qabtay Xilka hadda loo Magacaabay, inkastoo muddo Dambe laga Qaaday#
Ugu dambeyn, sarkaalkan ayaa wuxuu sannadkii 2005-tii u Wareegay Dhinaca Dowladda Federaalka Somalia, isagoo noqday Taliyihi ciidanka Millateriga ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose