Cali Yare;”Waxaan Uga Digayaa Beelaha Soomaaliyeed In Ay U Sacabtumaan Buurmadoow”

0
306

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa hadal kulul ka soo saaray khudbad uu jeediyay Boqor BuurMadow isagoo ka digey in loo sacabtumo Boqor Buurmadow oo haatan booqasho ku jooga caasimada dalka ee Muqdisho

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Cali Cabdi Wardheere in aan lagu jeesjeesi karin dhiigga dadka Soomaaliyeed iyo burburka hantidoodii oo uu ku tilmaamay hogaamiyihii hore ee Alshabaab Godane ka galay dalka.

Qoraalka uu soo dhigey bartiisa Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banadir Cali Yare ayuu ku bilaabay;

“Hadalkii uu ninka Buurmadoow la yiraahdo ku hadaaqay ma ahan mid inta la dhageysto sidaas iyo si sahlan looga gudbi karo – mana jiro qof laga aqbali karo inuu ku jeesjeeso dhiigga dadka Soomaaliyeed iyo burburka hantidoodii uu Mujrimkii Godane ku xasuuqay dalka iyo inuu si toos ah iyo si dadban labadaba u gacan siiyo cadowga Alshabaab.”

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ayaa ku tilmaamay nasiib darro in mas’uul ka tirsan dowlada federalka oo ku sugnaa halka uu hadalkan ka jeediyay Boqor BuurMadow uusan ka jawaabin

“Waxaa nasiib darro weyn ah inuu Garabtaagnaa Wasiirka Waxbarashada Dalka Mudane Abdullahi Carab oo ah Wasiir Federaal oo aanu wax jawaab ah ka bixin gefkaas Qaranka iyo Ummada loo geystay.”
Ugu dambeyntii guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir Cali yare ayaa uga digey shacabka Soomaaliyeed inay u sacabtumaan Buurmadow.

“Waxaan uga digayaa Beelaha Soomaaliyeed in ay u sacabtumaan Barmadoow iyo dadka la midka ah ee Alshabaab u aqoonsan “Dowlad” sida uu Barmadoow sheegay, sidoo kale waxaan u soojeedinayaa in ay joojiyaan xafladaha aan la garan karin caqliyadda ay ku saleeyeen qabashadoodda inta lagala xisaabtamayo. Wabilaahi Towfiiq.”