spot_imgspot_imgspot_img
Home ARIMAHA BULSHADA Canug 3 Sano Jir ah oo Dhulka Hoostiisa ku jiray in kabadan...

Canug 3 Sano Jir ah oo Dhulka Hoostiisa ku jiray in kabadan 60 saacadood oo la so bad baadiyay

0
89

Sabti- 10 Feb-2024 {HMC} Gabar saddex sano jir ah ayaa laga soo badbaadiyay dhul go’ay kadhacay koonfurta dalka Filibiin lixdan saacadood kadib markii burburka hoostiisa ay ku xayirantay.

Samatabbixiyeyaasha ayaa ka quustay rajadii ay ku heli lahaayeen dad badan oo badbaaday, waxayna bogaadiyeen badbaadinta ilmaha oo la soo badbaadiyay jimcihii iyagoo ku tilmaamay “mucjiso”.

Dhul go’a ayaa ka dhacay meel u dhow tuulo dahabka laga qodo oo lagu magacaabo Masara oo ka tirsan gobolka Davao de Oro ee gobolka Mindanao Talaadadii.

 

Saraakiisha gurmadka deg dega ee dalka Filibiin ayaa sheegay in 28 qof ay dhinteen, ku dhawaad ​​77 kalena la la’yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here