Ciidamada Amisom ayaa xalay ku faafay xaafado ka mid ah Magaalada Marka, gaar ahaan Xaafada Ruusiya oo la sheegay inay dad shacab ah halkaasi ay ku dileen, waxaana tirada dadka Amisom ay dileen lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 6-ruux.
Inta la xaqiijiyay 6 qof oo shacab ah ayeey ciidamada Amisom xalay ku dileen magaalada Marka, waxaana dadka la dilay la sheegay inuu ku jiray Aabe iyo Caruurtiisa.
Ciidanka Amisom sababta dadka shacabka ah ay u laayeen ayaa la sheegayaa inay tahay in shalay galab qarax lagula eegtay Xaafada Ruusiya ee Magaaladaasi, taasina ay keentay inay xalay ku faafaan xaafadaha Magaalada Marka oo ay dadka ku laayaan.
Shacabka Magaalada Marka ayaa aad uga cadheysan falalka bareerka ah ee ciidamada Amisom ay kula kacayaan shacabka Magaladaasi iyo dilalka bareerka ah ee ay geysanayaan.
Xaalada Magaalada Marka ayaa aad u kacsan, dadka qaar waa ay ka barakacayaan Magaalada sida wararka ay sheegayaan.
Ciidanka Amisom ayaanan jirin cid kala xisaabtamaysa dadka shacabka ah ee ay ku laynayaan Magaalada Marka gudaheeda.
Bishii aan soo dhaafnay dad badan oo shacab ah oo Magaalada Marka ay ku dileen ciidamada Amisom waa ay dafireen dadkaasi inay shacab yihiin oo waxa ay ku tilmaameen dad Shabaab ah.