fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeCiidamada Ammaanka Puntland oo howl gallo baaritaano ka wada Garowe
Array

Ciidamada Ammaanka Puntland oo howl gallo baaritaano ka wada Garowe

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa howl gallo baaritaano lagu xaqiijinayo ammaanka ka wada magaalada Garowe, iyadoo howl galadan lagu qab qabtay dhalinyaro iyo dad kala duwan oo lagu eedeeyay falal amni daro.

Howl galadan ayaa ahaa kuwo habeenadii la soo dhaafay si xiriir ah uga dhacayay xaafadaha magaalada Garowe, waxaana ciidamada oo ahaa kuwo feejigan ay mid mid u baarayeen baabuurta.

Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Nugaal C/raxmaan Abshir Faarax ayaa ka warbixiyay howl galadan, waxaana uu xusay in lagu soo qabtay dad lidi ku ah ammaanka.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Garowe inay ciidamada kala shaqeeyaan amniga, ayna soo sheegaan cid kasta oo falalka amni daro geysaneysa.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay sii soconayaan howlaha lagu adkeynayo amniga, isla markaana degmooyinka Gobolka Nugaal qeyb ka yihiin howlaha lagu sugayo ammaanka

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa horay inay fashiliyeen falal ka dhan ah amniga oo Al-Shabaab doonayeen inay ka geystaan deegaanada Puntland, waxaana jiray weeraro Al-Shabaab horay uga geysatay Garowe iyo Boosaaso.

Garowe oo ah caasimada Puntland ayaa ah mid nabdoon oo amnigeeda ay gacanta ku hayaan Ciidamada ammaanka, inkastoo dhowr bilood ka hor ay ka dhacday Qarax Ismiidaamin Al-Shabaab ku qaaday shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin Ah oo...

0
Jimco Sebtembar 29, 2023 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaayo qasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo galabta ka dhacay Maqaaxi ku...