Sabti April 29, 2023 {HMC} Abwaanka, Shuceyb Cabdiraxmaan “Shuceyb Yare” ayaa in muddo ah ku xiran magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, iyada oo aan weli la hayn faah faahin rasmi ah ee ku iyo sababta loo xiray.
Shuceyb yare ayaa caan ku ah hal-abuurka iyo maansada dhaqanka Soomaalida taas oo uu marin jiray baraha bulshada iyo Warbaahinta Soomaalida.
Soomaaliland ayaa marar badan lagu eedeeyay caburinta dadka rayadka ah ee ka aragtida duwan siyaasada Maamulkaas.