Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKACiidamada Dowlada iyo kuwa Amisom oo howlgalo ka sameeyay degmada Warsheikh

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom oo howlgalo ka sameeyay degmada Warsheikh

Maxamed Cali Yuusuf Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amaanka iyo Siyaasada ee Maamulka Degmada Warsheeq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Idaacada Risaaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Cidamada amaanka ee Maamulka Degmada iyo kuwa Amisom ee ku sugan Degmadaasi in ay wadaan Baaritaano lagu sugayo amaanka Degmadaasi.

Waxa uu sheegay in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo Ciidamada ay ka wadaan deegaanada ay ka taliyaan isla markaana Ciidamada amanka ay ka feejigan yihiin Weeraro Al-Shabaab ay ka soo qaadaan Degmadaasi.

Waxa uu xusay in Al-Shabaab ay horay usoo weeraren Deegaanka Raage Ceele oo ka tirsan Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe isla markaana Ciidamada amaanka iyo kuwa Amisom ay ka hortageen in ay dhibaateeyaan Shacabka ku nool Deegaankaasi.

Maamulka Degmada Warshiiq ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Shacabka Degmada in ay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka iyo kuwa Amisom si loogu hortago Weeraro ay Al-Shabaab ku soo qaadaan Deegaanadooda.

Dhawaan ayaa Ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxay Weerar ku soo qaadeen Deegaanka Raage Ceele iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...