Ciidamada Dowladda Federalka Somalia iyo kuwa Amisom, ayaa lasoo sheegayaa inay la wareegeen deegaano ka tirsan Galbeedka Gobolka Hiiraan oo ay ka saareen Ururka Al Shabaab.
Masuliyiin Katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Saxaafadda in ciidamada ay gaareen deegaano Shabaab ay ku sugnaan jireen, iminkana ay si buuxda ula wareegeen.
Waxa ay inta ku darayan deeganada ay ciidamada qabsadeen inay ka mid tahay deegaanka Ceel-cali oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, horay waxaa ugu sugnaan jiray ciidamada Ururka Al Shabaab.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ayaa wada guluf colaadeed oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, iyaga oo la wareegay deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka.
Al Shabaab ayaa lumiyay dhul badan oo ay maamulayeen oo awood ahaan gacantooda laga maroojiyay hada.