Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Deegaanka oo ka baxay laba Deegaan oo ku yaala Gobalka Hiiraan.

    0
    74
    Sabti October 1, 2022 {HMC} Ciidamadda Dowladda iyo Kuwa Deegaaanka ayaa soo Baneeyay Fariisinkii ay ku lahaayeen Deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee Gobalka Hiiraan.
    sida aan Xogta ku heleyno Ciidamadii joogay Deegaanka Yasooman ayaa hadda Gaaray Degmada Buulo-Barde ee Gobalka Hiiraan.
    Dhinaca kalle Ciidamadii ka baxay Deegaanka Moqokori ayaa dhankooda ku wajahan Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

     

    Saraakiisha Hogaaminneysay Ciidamada ayaanan sheegin sababta Deegaanadaas oo muhiim ahaa Dhawaana Al-shabaab lagala wareegay loo baneeyay.