Ciidamo Boolis Soomaaliyeed oo Tawbar loo soo xiray Dalka Jabuuti

    0
    66
    jimco November 25 2022 {HMC}Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xeray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed
    Dufcadaan oo noqoneysa dufcadii 17-aad ee ciidanka Booliska ayaa tababarkooda waxaa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Talyaaniga iyo Jabuuti. waxaana ay dalka kusoo laaban doonaan todobaadka soo socda
    Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Cutubtayaddaan tababarka soo dhameystay la geyn doona deegaanadda laga xorreeyay Al Shabaab si ay ula wareeggaan ammaanka goobahaasi, isla markaana ay uga shaqeeyaan xasilloonidda iyo wada noolaashiyaha bulshada.