Boqolaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ayaa gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, kuwaasi oo shalay kasoo gudbay degmada Doolow ee gobolka Gedo oo xuduud la leh degmada kale ee Dooloow ee Ethopia.
Inkastoo aysan inoo suuragalin in aan ogaano tirada Ciidamadaan haddana waxa ay dadka deegaanka ay arkayeen Ciidamo hubeysan iyo Gaadiid dagaal oo ay ka mid yihiin Taangiyada aysan xabadda karin oo kasoo gudbaya xuduuda.
Ciidamadaan ayaa ku biiraya Ciidamo kale oo horay Ethopia uga joogay degmada Luuq, wararka ayaa sheegaya in saldhigyo ay ka sameysteen gudaha iyo duleedyada Magaalada.
Tani waxa ay imaaneysaa iyada oo toddobaad ka hor Shir saddex geesood ah uu ugu soo gabagabobay Adis ababa, Ethiopia, Maamulka Jubba iyo kan Kofur galbeed, kaasi oo lagu dajiyay qorshe dagaal oo ka dhan ah Xarakada Al Shabab.
Xubnaha Shirkaasi uga qeybgalay gobolka Gedo waxaa ka mid ah, Gudoomiyaha gobolkaasi Maxamed Cabdi Kaliil, Xildhibaan hore Maxammuud Sayid Aaan, Yuusuf Kaanti ,oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada iyo Maxamed Axmed Aw libaax , kuwaasi oo loo xilsaaray qabashada degmada Baardheere
Dhanka Maamulka Jubba waxaa ka socday Axmed Madoobe, Wasiirka kuxigeenka arrimaha gudaha Jubba Cabdirashiid Janan iyo xubno kale oo uu doorkooda yahay dhinaca jubooyinka.
Madaxweynaha Koofur galbeed Shariif Xassan oo uu wehliyo Wasiirkiisa ammniga Cabdi fitaax Geeseey ayaa dhankooda waxaa cadaadis lagu saaray qabashada degmada Siinsoor iyo deegaanka Ufuroow ee gobolka Bay