Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Duleedka Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Howlgal ay ka fuliyeen waxaa ay ku soo Furteen Afar Ruux oo u dhalatay Dalka Iiraan,kuwaas oo ay Afduub u haysteen Koox Burcad badeed Soomaali ah.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka NISA ay Howlgal Qorsheysan ku soo furteen Afarta Ruux oo mudo Gacanta ugu jiray Koox Burcad badeed Soomaali ah.
Ciidamada Nabad Sugidda ayaa Afarta ruux,waxaa ay geeyeen Magaalada Cadaado,iyadoo lagu hayo Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Cadaado.