spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidanka xoogga dalka oo howlgalo ka wada tuulooyin hoostaga deegaanka Jabad Godane...

Ciidanka xoogga dalka oo howlgalo ka wada tuulooyin hoostaga deegaanka Jabad Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

0
21

isniin 19-Jun 2026 {HMC} Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa maanta howlgalo amni xaqiijin ah ka wada tuulooyinka hoostaga deegaanka Jabad Godane oo Shalay dagaal culus ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa As.

Ciidamada ayaa howlgalada ka wada goobo la tilmaamay iney ku tuhunsan yihiin in weerarkii Shalay As kasoo qaadeen oo ku dhadhaw deegaanka Jabad Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkii Shalay ka dhacay deegaankaas ayaa dowladda Fedaraalka waxay ka sheegatay guulo waa weyn iyadoona soo bandhigtay meydad badan oo As looga dilay dagaalkaas oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Marka laga soo tago meydadka ay soo bandhigtay dowladda Fedaraalka, ma jirto tiro rasmi ah oo ay sheegtay in kooxda As looga dilay dagaalkii Shalay ka dhacay Jabad Godane oo ka mid ahaa kuwii ugu cusla ee waayahaan dambe ka dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee weerarkii Shalay ka dhacay Jabad Godane ayaa kusoo adaaya, iyadoo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed howlgalo isugu jiray cir iyo dhul dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka fulinayeen deegaano hoostaga degmada Warsheekh ee gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here