Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKACiidankii Dowladda Somalia ee Saaka laga saaray Dhuuso-mareeb oo Gaaray Degmada Cadaado

Ciidankii Dowladda Somalia ee Saaka laga saaray Dhuuso-mareeb oo Gaaray Degmada Cadaado

Wararka naga soo Gaaraya Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in halkaa sacadihii ugu danbeeyay ee maanta gaareen ciidammo ku hubeysan gadiidka dagaallka oo kasoo baxay degmada Dhuusa-mareeb oo subaxnimadii hore ee maanta la wareegeen xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Sarkaal u hadllay maamulka Ximin iyo Xeeb oo lagu magacaabo, Careys Maxamed Xaaji ayaa sheegay in ay soo gaareen Cadaado qaar ka mid ah ciidamadii dowladda ee Dhuusa-mareeb kula dagaallamay Ahlu Sunna Waljameeca,

Saraakiisha ciidamada dowladda Somalia ee Gobollada dhexe ayaa sheegay in ciidankooda ay kasoo saareen Degmada Dhusa-mareeb, kaddib markii ay soo Galeen Dagaalyahannada Ahlusunna Waljamaaca.

Careys Maxamed ayaa sheegay in ciidammada iyo gadiidka dagaalka ay wateen la dajiyay meel dulleedka ka ah degmada Cadaado, islamarkaana socdaan wadda hadallo la doonayo in xiisada lagu soo Af-jaro.

Illaa iyo Hadda dhab ahaan looma oga Khasaaraha ka dhashay iska-horimaadkii Saakay ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogagga Ahlusunna degmada Dhuusa-mareeb.

Xiisadahaan Colaadeed ee mar kale kasoo Cusboonaaday Gobollka Galguduud ayaa kusoo Beegmaya Xilli loo Fadhiyo Shirka lagu soo Dhisayo Maamulka Gobollada Galguduud iyo Mudug.

Ciidamadii_Dowladda_Somalia

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...