Manchester United ayaa caawa qaabilaysa Real Betis lugta hore ee wareega 16-ka UEFA Europa League, Red Devils ayaa doonaya inay iska maydhaan guuldarradii bahdilka ahayd ee horyaalka Axadii kasoo gaadhay Liverpool.
Man United ayaa wareegii hore ee 32-ka ka reebtay Barcelona oo ay labadii kulan 4-3 kaga adkaatay halka Real Betis oo booska koowaad kaga dhammaysatay Group C ay toos ugu soo baxday wareegan 16-ka.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Man United waxa dhaawacyo ka qaba Christian Eriksen, Donny van de Beek iyo Anthony Martial waxaana ku biiray oo kulankan maqan khadka dhexe ee Marcel Sabitzer.
Wan Bissaka, Maguire, Martinez iyo Malacia ayaa la filayaa inay daafaca kusoo wada bilawdaan waxaana kasoo hormaraya oo khadka dhexe ku midoobi kara McTominay iyo Casemiro.
Garnacho iyo Sancho ayaa garbaha weerarka kusoo bilaaban kara halka la filayo in Bruno iyo Rashford No.10 iyo No.9 dheelaan.
Real Betis waxa ka maqan Nabil Fekir oo dhaawac jilibka ah mudo dheer garoomada ku seegaya si lamid ah Juan Cruz.
Shaxaha Macquulka Ah
Man United (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka, Maguire, Martinez, Malacia; McTominay, Casemiro; Sancho, Bruno Fernandes, Garnacho; Rashford
Real Betis (4-2-3-1): Bravo; Sabaly, Pezzella, Felipe, Miranda; Carvalho, Rodriguez; Canales, Rodri, Perez; Iglesias
Xogta Kulanka
Tartanka: Europa League
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garoonka: Old Trafford
Garsoore: Daniel Siebert (Germany)