spot_img
HomeCIYAARAHAHORDHAC: Sporting v Arsenal – Gunners Oo Lisbon Marti Ku Ah,

HORDHAC: Sporting v Arsenal – Gunners Oo Lisbon Marti Ku Ah,

Arsenal oo rajaynaysa inay talaabo u qaado wareega siddeed dhammaadka Europa League ayaa caawa booqanaysa kooxda Sporting CP oo ay magaalada Lisbon ugu tagayso.

Sporting ayaa horyaalkeeda booska afraad kaga jirta waxayna u muuqataa mid ka samirtay maadaama ay 15 dhibcood u jirto hoggaamiyayaasha Benfica taas oo ka dhigan inay dhinaca Yurub diirada saari doonaan.

Arsenal ayaa dhinaceeda shan dhibcood ku haysa hoggaanka Premier League waxaana ay mudo dheer kaddib dareenkooda u jeedinayaan tartankan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Sporting waxa ka ganaaxan khadka dhexe ee muhiimka u ah ee Manuel Ugarte halka uu dhaawac ka qabo Daniel Braganca oo la filayo in tababare Amorim uu bedelkiisa ciyaarsiiyo 19 sano jirka ree Argentina ee Mateo Tanlongo.

Arteta ayaa isaguna aan ku tashan doonin Leandro Trossard iyo Nketiah oo dhaawacyo qaba, saxeexa cusub ee Kiwior ayaa la filayaa inuu fursadii ugu horreysay helo isagoo Holding daafaca dhexe kula soo bilaabanaya.

Gabriel Jesus oo tababarka Arsenal kusoo laabtay ayaan la filayn inuu diyaar u yahay kulankan oo wali deg-deg ku noqonaya.

Daafaca bidix ee Kieran Tierney oo booskiisa waayay ayaa kulankan oo uu qayb ka qaadan lahaa ku seegaya xanuun taas oo la macno ah in Tomiyasu daafaca bidix dheeli karo.

Vieira, Jorginho iyo Xhaka ayaa khadka dhexe ku midoobi kara halka Martinelli doorka No.9 kusoo bilaaban karo iyadoo ay garbaha ka caawinayaan Reiss Nelson iyo Smith Rowe.

Shaxaha Macquulka Ah

Sporting Lisbon (3-4-2-1): Adan; St. Juste, Coates, Iancio; Esgaio, Tanlongo, Morita, Reis; Pote, Edwards; Chermiti

Arsenal (4-3-3): Turner; Ben White, Holding, Kiwior, Tomiyasu; Vieira, Jorginho, Xhaka; Nelson, Martinelli, Smith Rowe

Xogta Kulanka

Tartanka: Europa League

Garoonka: Estadio Jose Alvalade

Wakhtiga: 8:45 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Tobias Stieler (Germany)

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular