{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Deni oo xilka ka qaaday Wasiir aad ugu dhawaa iyo Juxa oo Wasiir loo magacaabay

0
JIMCO September 23, 2022 {HMC} Wareegto uu caawa soo saaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka looga qaaday wasiiro katirsanaa xukuumadiisa, ay ku jiraan xubno aad ugu dhawaa .

Wasiiradda xilka laga qaaday waxaa kamid ah wasiirkii maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaalow oo kamid ahaa xubnaha aadka ugu dhawaa Madaxweyne Deni, sidoo kale kamid ahaa xisbigiisa iyo ragii ololaha u waday intii ay socotay doorashada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa wareegtada uu soo saaray sidoo kale ugu magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa oo horey usoo noqday wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya xilligii Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

SHARE