fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKA{DAAWO SAWIRADA} Aadan Madoobe oo la kumay Safiirka Itoobiya maxey ka wada...

{DAAWO SAWIRADA} Aadan Madoobe oo la kumay Safiirka Itoobiya maxey ka wada hadlen

Talaado 28 March 2023 {HMC} Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Aadan Mohamed Nur Madobe ayaaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb Mukhtaar Maxamed Waare.
Sheekh Aadan Madoobe iyo Danjire Waare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, isagoona ka gudoomay dhambaal saalaan ah uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka Itoobiya, waxaana uu sheegay in la adkeeyo xiriirka iyo wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Itoobiya
Safiirka ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka, isagoona xusay in labada dal ay kawada shaqeeyaan dhinacyada horumarka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka kooxda Khawaarijta Al Shabaab.
Dowladda Itoobiya ayaa safiir cusub usoo magacawday Soomaaliya, safiirka cusub ayaana hadda ka shaqeenaya sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka dowladda Itoobiya la leedahay Soomaaliya gaar ahaan madaxda hoggaamisa

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

WAR DEG DEG AH :Ganacsade Goordhow lagu Dilay Magaalada Baladweyne

0
Arbaco-4-October-2023-{HMC} Allaha unaxariistee waxaa Goordhow Magaalada Baladweyne lagu Dilay Ganacsadi Xasan Xaaji Daahir oo Kamid Ahaa Ganacastada Magaalada Baladweyne.Ganacsadaha ayaa la dilay ayaa Mudooyinkii...