{DAAWO SAWIRADA} Al-shabaab oo so bandhigtay sawirada dagaaladii lagu qaaday xeryaha ciidamada Liyu Boolis.

0
18637

Al-shabaab ayaa guulo waaweyn ka sheegatay dagaal culus oo ilaa shalay ka socday degaano ku yaalla xadka gobolka Bakool uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya kaasoo ay la galeen ciidanka Liyuu Boolis.

Baraha Internetka ee ku hadla codka Al-Shabaab ayaa faafiyey sawirada dagaaladii gelinkii dambe ee shaley lagu qaaday xeryaha ciidamada Liyu Boolis ku lahaayeen degmooyinka Yeed iyo Caato ee dhaca xad kala qeybiya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weeraradaas ay ku dileen in ka badan 87 askari oo Itoobiyaan ah, ayna sidoo kale ka furteen hub, gaadiid iyo saanado ciidan.

“Ciidamadeenu waxay dul tageen meydadka ugu yaraan 87 askari oo ka mid ahaa maleeshiyaatka lagu xasuuqay weeraradii lagu qaaday xeryaha Yeed iyo Aato, waxaana suuragal ah in khasaaruhu sii kordho” ayuu yiri sarkaal u hadlay Al-Shabaab

Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay maxaabiis dagaal oo ay nolosha kusoo qabteen, intii ay dagaaladu socdeen kuwaasoo ka tirsan ciidanka Liyu Boolis.

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaan illaa hadda war rasmi ah ka soo saarin dagaalka ay ciidanka Liyu Boolisku la galeen Al-shabaab.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA