Sawiro laga soo qaaday, xilli ciidamada Kenyanka ay garaacayeen dhalinyaradaasi, waxa ay muujinayeen si arxandaro ah oo ciidamada Kenya wiilashaasi ay u garaacayeen.
Nin ka tirsan Booliiska oo sawirada soo qaaday kuna faafiyay Baraha Bulshada isticmaasho, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay ka hortageen dhalinyaro xog la wadaagi rabtid sida uu yiri Ururka Shabaab.
Taliska Booliiska dalka Kenya war kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan arintaan.
Xildhibaanada Gobolka Waqooyi Bari Kenya kasoo jeeda ayaa falkaan waxa ay ku tilmaameen tacadi ciidamada Kenya ay kula kacayaan shacabka Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa noqday Gobol dhibaato ay ka taagan tahay oo dhinac Shabaab ay weeraro joogto ah ku qaadaan, halka dadka Soomaalid ahna ay bartilmaameed u noqdeen ciidamada Kenyanka.